CORONAVIRUS (COVID-19) RESOURCE CENTER Read More
Adeegyada Caafimaadka Dhimirka ee Dadka Waa weyn

Goorme Shaqsiga uu Ka Faa’ideysan Karaa Adeegyada Caafimaadka Dhimirka?

Waxyaabaha badan ee horistaag maalin kasta ku noqda dadku sida ay dareemaan ama u dhaqmaan ku dhaliyaan isbedelo.  Waa muhiim in la kala garto faraqa u dhaxeeya isbedelka dabeecada caadiga iyo calaamadaha tilmaama dhibaatooyinka badan oo halis ah.  Dhibaatooyinka waxay mudan yihiin in la siiyo fiiri dheeri ah goorta ay yihiin kuwa daran, isdaba-jooga, oo wax yeela gaarsiiya dhaqdhaqaaqa maalmeed ee shaqsiga.  Waa la heleyaa daaweyenta xanuunka ama dhibaatooyinka caafimaadka dhimirka.   

Sida jiro kasta, in aad daawo raadsato waxay kaa caawineysaa in aad fiicnaato oo aad mudo dheer aad sii wanaagsanaato.  Adeegyada caafimaadka madaxa waxaad ka wada heli kartaa noocyada caafimaadka madaxa ee dadweynaha ama kan gaarka loo leeyahay.  Waxay dadku u hayaan adeegya daaweyn badan oo il-qabato shaqsiga u leh oo u furan kooxaha dhaqanka ee kala duwan.  Waxbarasho ayay u diyaariyeen beesha iyo qooskaba.  

Sidee baa loo daaweeyaa Jirada Dhimirka?

Adeegyada caafimaadka dhimirka waxay ka kooban tahay laba wajiyood oo muhiimsan: qiimeyn iyo daaweyn.

Qiimeyenta – Dhibaatooyinka waxaa loo qiimeeyaa si loo ogaado in aad adeegyada caafimaadka dhimirka aad ka faa’ideysan karto iyo in kale.  Qiimeyenta howl wada shaqeyn soconeysa kaa soo ay ka kooban tahay la imaatanka qorshe daaweyn oo mudo dheer ah, oo ayna salna u ah shaqsiga awoodiisa, waxyaabaha ka hor imaan kara, waxyaabaha uu jecel yahay, iyo baahidiisa.  Badanaaba, laga yaabo in uu keeno (tusaale, waxyaabaho fir ama deegaan ah) dhibaatooyinkaaga ayaa la magacaabi doonaa si laguugu wareejiyo adeegyada kugu haboon

Daaweyayn – Guud ahaan, dhibaatooyinka caafimaadka dhimirka waxaa lagu daaweeyaa Daawo, daawayn dabiici ah, iyo Adeegyada Baxnaaniska Cilmi bulsho.

  • Daawada waxay kaa caawineysaa in ay yareyso ama baabi’iso ifaafooyinka iyo caadada lala xiriiriyo dhibaatooyinka caafimaadka dhimirka..
  • Daawaynta dabiiciga waxay shaqsiyaadka ka caawineysaa in ay fahmaan oo ay noloshooda kontoroolaan, oo ay hormariyaan caafimadkooda, iyo iska caawiyaan si ay u dhisaan xirfadaha nolosha iyo tan bulshada ee mudada-dheer. 
  • Baxnaaniska Cilmi buslho waxay dadka ka caawinaysaa in ay hormariyaan nidaamka taageerida shaqsi, kontoroolo ifaafooyinka, iyo isticmaalo caawinaada shaqsi, asiga oo taageeraya bogsanaantiisa. 

Adeegyada waxaa lagu bixiyaa meelo kala duwan, oo ay ku jirto:

  • Adeegyada bukaan socodka, waxaa laga bixiyaa rugaha ama goobaha bushada ee kale, waxaa shaqsiyaadka laga caawiyaa si ay u kontoroolaan oo ay u adkeeyaan ifaafooyinka iyo ay dhowri la haayeen xirfadaha iyo taageerida loo baahan yahay si loogu noolaado beesha.  Adeegyadaan waxay ka koobnaan karaan la tashi shaqsi ama koox. 
  • Adeegyada deg deg ah ee cilmi nafsi  waxaa loo isticmaalaa in shaqsiyaadka dhibaateysan oo qatar ku ah naftooda iyo kuwa kalaba loo caawiyo.  Inta dadka dhibaatoyin ay ku jiraan badanaaba waxay dareemaan  taageero la’aan oo ay la kulmaan dareen jahwareer.  Haddii ay dhibaatooyinkaas isku aragto, wac 911 ama isbitaalka geey qofkaasi. 
  • Daawaynta bukaan-jiifka isbitaalka wuxuu heleyaa daryeel 24 saacadood ah, adeegyo daawayn oo lala kor taagan yahay iyo waxaa la socda qiimeyn iyo dib-u-qiimeyn ifaafooyinka shaqsiga si loo xasaliyo ifaafooyinka dareenka kulul kugu haya inta woqtiga dhibaatada la jiro. 
  • Daawaynta Guryaha waa dareel lagu bedesho isbitaal-jiifka iyo daryeelka goobaha kale ee dadka dhibka haysta ama caawinaada u baahan goorta uu ku laabta beesha kaa soo 24 saacadood u baahan tageero dhaqso ah balse 24 saacadood uusan u baahnayn ilaalo ilaalo daawayn.
  • Barnaamijyada tababarada baxnaaniska waxay shaqsiyaadka ka caawinaysaa in ay gartaan wax qabadkooda shaqo, xiiso iyo si loo siiyo taageero oo ay ku bartaan xirfado shaqo oo shaqsiga ka caawinaysa in  shaqsiga uu shaqo sii haysto.
  • Barnaamijyada is-caawinta iyo taageerida asaagaaWuxuu kuu diiyaariyey in taageero qiiro gelin iyo la tashi kuwa heer asaasaaga isla ah.  Rajo iyo bogsoonaan waa tan ugu muhiimsan ee la tiigsanaayo.  Adeegyadaan  waxay kaa caawineyaan in ay yareeyaan dhaleeco.

Xiriirinta adeega waa muhiim si shaqsiyaatka looga caawiyo in ay helaan adeegyada loo baahan yahay iyo xiriinta daawaynta iyo kuwa bixiya daawayanta adeegyadooda. 

Daawayanta Yaa Bixiya?

Waxaa jira shaqaalo caafimaadka dhimirka oo tababar gaar u leh oo kaa caawani kara qiimeyenta iyo daawayanta dhibaatooyinka dhimirka caafimaadka.   

  • Takhtar cilmi nafsi – waa takhtar caafimaad oo ku taqasusey daawayanta dhibaatooyinka caafimaadka dhimirka, oo kuu qori kara daawo iyo bixin kara adeegyada daawayanta kale. 
  • Takhtarka cilmi nafsiga – wuxuu shahaadaha doktoreedka ka hayastaa cilmi nafsiga, iyo badanaaba wuxuu gacmaha kula jiraa baaritaan, tijaabooyin cilmi nafsiyeed, iyo warbixinno daawayn. 
  • Shaqaale Bulsho ama Guur & La Taliyaha Qooska – wuxuu hayastaa shahaadada mastareedka ee shaqaale bulsho, cilmi nafsi, ama talo bixiye oo wuxuu bixiyaa daawayn, xiriin adeeg, ama adeegyo taageero ah.
  • Shaqaalaha kale ee caafimaadka dhimirka – waxaa kala mid ah kalkaaliyaha takhtarka cilmi nafsiga , la taliyayasha kuwa daroogooyinka qaladka u isticmaala, farsamo yaqaanada takhtarka cilmi nafsiga iyo kuwa daaweeya baxnaaniska cilmi bulshadeedka.

Adeegyada Taageero ee Kale

  • Taageeraha Asaasaaga ee Gaar ah iyo Taageera qadiyada qooska- shaqaalaha u tababaran oo shaqsiyaatka iyo/ama qoosaskooda siin kara taageero asagoo isticmaalaya adeegyada iyo/ama heer aasaaga ah.

Sideen Caawinaad U Heli Karaa?

Haddii aad adiga ama xibin qooskaaga ah u baahan yahay adeegyada caafimaadka dhimirka, la tasho takhtarkaaga adiga ama xubinka qooskaaga u weydii qiimeyenta iyo daawayn.    

Adiga ama xubnaha qooskaaga waxaa laga yaabaa in aad xaq u leedihiin in aad Qorshaha Caafimaadka Dhimirka ee Degmadiina ka heshaan adeegyada caafimaadka dhimirka.  Degmada waxay leedahay talefoon bilaash ah oo aad waci kartid 24 saacadood maalintii, waxaana jooga shaqaale takhasusu u leh caafimaadka dhimirka oo qiimeeya baahidaada oona kuu sameeya in uu kuu gudbiyo takhtarka ku haboon.  Waxayna awoodaan in ay kugula hadlaan luqada aad doorato.  Adeegyadooda iyo talefoon lambarkoodana waxay ku qoran yihiin boga buuga talefoonka ee dowladda degmada   

Halkee Baan Ka Heli Macluumaad Dheeri ah ?

Hay’ada Qaranka ee Caafimaadka Dhimirka
(888) 826-9438
http://www.nimh.nih.gov

Ururka Qaranka ee Caafimaadka Dhimirka
(800) 969-6642
http://www.nmha.org

Isbaheysiga Qaranka ee Kuwa Qaba Maskax Xanuunka
(800)-950-6264
http://www.nami.org